Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2018
Dr. Martin Luther King wax uu ahaa Geesi u kacay dadka Madaw ee Maraykanka ah, Dr. King waxa uu ku dhashay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia sanadku markuu ahaa 1929kii. SOURCE Osman Sool Waxa uu noqday wadaad diinta Masiixiga ah oo maamula kaniisad la yidhaahdo Dexter Avenue Church oo ku taalay Montgomery ee gobolka Alabama ka dib markii uu dhamaystay Kuliyadda Moorehouse halkaas oo uu ka qaatay shahaado jaamacadeed sanadkii 1948. Sidaas oo kale aabihii iyo awowgiis waxay ahaayeen hogaamiyeyaal diimeed kuna xeel dheeraa diinta Masiixiga. Dr. Martin oo ahaa nin waxbarashada aad u jecel aaminsanaa in ay maalin maalmaha ka mid ah waxbarashadiisu anfici doonta ayaa waxbarashadiisii ka sii watay kuliyad diineed la odhan jiray Crozer Theological Seminary halkaas oo lagu abaalmariyey shahaadada kuliyadaas sanadkii 1951kii. Dr. King kuma joogsan halkaas ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii, wuxuuna ka qalin jabiyey Jaamacadda Boston sanadkii 1955tii, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada...